Wednesday, 13 March 2013

AF-KU-SIRAN - Hees




MAXAMED IBRAAHIM WARSAME (HADRAAWI).
AF-KU-SIRAN - (Hees).
06/04/1997 - LONDON. 


--------------------------------------------------------------------------------


Bismillaahi oohow!
Runtu aydin maahee
Bal adeentideedii
Oohow! Ka oohow!.

Dhulku waa ammaanee
Abbaan-duulihiisow
Adhi raacistiisii 
Ma-Orgaad ka tahay weli
Asaraarka maantii
Ka il nugul habeenkii?

Bogashada iddiisiyo
Wax ka maqan asaaggii
Nin ku helay il-duufkow
Hadba doqon-aroorkiyo
Hadba oon-ku-fuliddiyo
Indha-garashadeediyo
ILLowgeeda badan baa
Gelin qudha intaadiyo
Kugu baray er’erigee,
Haddaad aammin-doon tahay
Eedahaaga biiraa
Aqal maaha laga galo
Arrin lagugu leeyahay.

Marba waxay aslaysaa
Asal lagu-xumeeyee
Asliddeeda mooyee,
Isu eeddo weeyoo
Arbacaa ka werisoo
Waxay tidhi Isniintii
Ku idlaatay xagashadu;
“IL-baxnimadu waa yaab,
Maanta iibsadeediyo
Axaddeedu badanaa!
Weli waa ayaantii
Lagu cunay ayaankee
Immisaa ka hadhay tolow
Berritiyo amaahdii
Lagu qoray albaabada?”

Afo waa ninkeediyo
Arbe dheelli tiri kara,
Aarna waa dhiggiisiyo
Oori laysku dherersado,
Aragtida midaysiyo
Dadna urur ku qaan gaadh.

Wacashada Ibleyskaa
Indha-beelka sidatee
Dhulka obolos baa shilay,
Waxa lagu agaasimey
Asaroorintiisoo
Erayada tix-gelintiyo
Ummadaynta ficilkiyo
Innagaa ka madhatoo
Hadba inan qolaystiyo
Isagaa ku badatoo
Magacyada Ukulidiyo
Alabbada fal-tuuggiyo
Anigaa ku tarantoo
Asma lagu xabaaliyo
Werwer bay ku aaseen.

Dhal Aboodi weeyoo
Intatabo ma weydee
Adhaxday ka jiiftaa
Addinkay ka tahay maya
ILLinkaa fal kaga jabay
Cabsi bay ku oodeen.

Waa adduunyo teedii
Ifafaalayaashii
Aammanuun ka soo yiil.

Waa iliilaheedii
Agankiyo lurkeedii,
Waa Aroosanteedii
Indhal-furashadeedii.
Marna Ayro-jookhiyo
Ula-dhabanta soofkiyo
Amba-qaadka jaantaa
Kasha lulan ilaysoo
Tabashada ob-siisoo
Ha ekaatadeedaa
Af-yaqaanku seesaa.

Marna waxay ku ururtaa
Agagaarka calalkiyo
Raqda eegideediyo
Ubbadeeda dacarta ah,
Ajo-weerarkeedaa
Arammidu qunbacataa.

Marka lagu akeekimo
Marka lagu ormeeyee
Falan lagu af-duubee
Marba eel ku gororee
Hirashadu asqowdee
Ulashadu hungowdee
Asalkeedu guuree
Ambisadu xidh-xidhatee
Babbisadu ku orisee
Is ahaanta kelinnimo
Dadku wada-ammaantee
Odeygeedu waashee
Ina belo ka taliyee
Lagu amarro-qooqee
La-ILaahyo sheegtaa
La-awoodo beenshaa.

Marka laga dul ooyee
Asaydeedu badatee
Alwadkiyo hayaaydiyo
Kolba aah! ku firidhaa
Axdigeeda nabadeed
Lagu aammusiiyaa,
Bixisada ku oloshiyo
Agaraa-damteedaa
Ifisadu ka beridaa.

Waa ammaaraddeedii
Ardal loo qab-qaban jirey.
Waa astaamaheedii
Marka laga inaabsado
Shimbirkeedu iman jirey.
Waa awaaleheedii
Allaheedu furan jirey
Runta lagu asturi jirey.
Waa Arooryadeedii
Al-aloosku dhalan jirey.
Waa Islaaminteedii
Marka aadun laga dhigo.
Waa abaabulkeedii
Askarteeda lagu yidhi;
"Xadhko harag Abeesiyo
Urta bahalka hoosiyo
Abur beena lagu dedey
Usha ba'an ku sii daa"
Waa ummuuraheedii
Itixaanku saarnaa.
Waa abraaraheedii
Lagu kala astaysnaa.
Waa ardaa-dhiggeedii
Ninka aabo xidhatiyo
Xasan Guure odhan jirey;
“Mar hadday or'orod tahay
Ragannimo abkeedaa
Lagu iil-bannaystaa”

Xil adduunyo waa qool
Labadeeda aadka ah
Waxa laysku aadshaa
Marka labada aadka ah
Midba dhinac ku aad yahay
Laba dhinac ku aadaan.

Orrob lagu bariistiyo
Marka eexo-dirashada
Lagu gabo arbeebbiga
Af-ku-siran cad loo rogo
Ereyguna ku madi yahay
Alleylehe nin baa yidhi;
"Arartaa gun noqotoo
Kuma aaddo hawshay
Dadku odhan lahaayeen
Alle mahaddi weeyaan"

Dadka oof dalooshiyo
Ammin baa sugaysoo
Waa ayaamo jiratee,
Orka Gabay nin sugayow
Irbad baa wax humisee
Wax ku soo dar aammiin.
Anda-qaadka hubantidu
Qofba wuxu ishaartiyo
Idan lagu cawaystiyo
Ha ahaato maahoo
Ficil baa ansixiyee
Imminkaba garaadow!
Arrimaha dad lagu yahay
Ha ku xadin Allow sahal.

Naftu weyska oydaa
Marka aammuskeedii
Cunto loogu iibshoo,
Waxay eersi badataa
Markay iimo badatoo
Fadhigaa arradiyoo
Baryadaa awaadhee,
Haddaan aano loo hayn
Anafada masayrka ah
Cidi kuma irdheysoo,
Kol hadday asturan tahay
Cidi kama adkaatee,
Halka aayaheediyo
Awaydeedu yaalliin
Alamtara fogaatiyo
Abataqan ha kaga dhigin.

Isirrada gobtoodiyo
Agabaynta liileed
Unkiddii fal-samidiyo
Abyantii dalaysnayd
Alabada farshaxannimo
Halka ay ku ururtiyo
Wax abuur ku talax-taga
Axadkeeda mudanka ah
Ma abaaddadiisii
Galladdii adduunkiyo
Wax-ku-oolladeedii
Bilicdiyo As-gogolkii
Mahaddiyo ug-baadkii
Dhulka lagu ilaa-xidhay
Noloshiyo ilayskii
Indha-korisadeedii
Allannimadu saarnayd.

Idil halabadeedii
Uduggiyo cuddoonkii
Quruxdiyo il-waadkii
Ugubnimo ku dheehnayd,
Onkodkiyo hillaacii
Afaggaalladeedii
Ashqaraarradeedii
Dadka baray aftahamada,
Ula-jeeddadeedii
Lagu sugay abbaaraha
Nafta lagu abaabulo,
Asalkiyo hufnaantii
IIdaanka noqon jirey
Hadba oonta lagu liqo,
Ishin-buuxsankeedii
IImaanka dhali jirey,
Qumanyada afuuftiyo
Ku xusuuso aynfaad.

Ergadeeda dunidii
Uhu bay ka qaaddoo
Arxan gooyeheedii 
Ka baxsaday asxaantaa
Ka dhex galay ilaalkii
Ka baxsaday inkaartoo,
Ibo-laalankeediyo
Awaydeeda gurantaa
Isha deeqi waayoo,
Hadba soo ur'ururkiyo
Abshirteeda fagantiyo
Aayeheeda jiitiyo
Idifkiyo rifnaantiyo
Afkan sii balwanayee
Hadba idhan durkinayee
ILko sii qor-qorayaa
Nafta aamminkeedii
Anfariir ku dhaliyee
Aga! Aga! Nin yaabow!
Addinkaa deg-degayee
Haddaan Aadan soo noqon
Aga! Agada! Maantaas
Aga! Kale ku doon-doon.

Aafadaada mooyee
Dhulku iin ma yeeshee;
Waxay eersanaysaa
Dadka alamsigiisiyo
Insi iyo Jin weeyoo
Laba-aabbudhkoodaa
Asaddihinta keenoo
Garashada ablowdiyo
Gudin jecel abaartaa 
Marba aag bannaysoo
Erigo'an ka yeeshoo
Ufadiyo dabayshiyo
Omoskiyo basaastiyo
Waxa umal hadhsanayaa
Waxa uumi shidayaa
Waxa oon ka hurayaa
Waxa oog ka baxayaa
Waxa olol ka kacayaa
Waxa uus ka hirayaa
Waxa baas ka urayaa
Waxa eel ku da'ayaa
Ruqa-udubbadeediyo
Arradkeeda buuxaa
Ololaha birtaadiyo
Hubka agabarkiisiyo
Aragtida hunguriyo
Ambadkaaga weeyaan!

Dabashada Atoorkiyo
Qalashada Ugeybkiyo
Ummul-raaca Maqashiyo
Waxa Dheri olkamayaa
Waa Abaydinkeedii
Lagu cunay amaahdoo,
Naca Aynabkaagiyo
Argagixisadaadaa
Urugada ku dhaliyoo,
Waxa damal Ab-guuree
La engegey harraadkee
Berkeduu asqeeyeen,
Waxa Lebi agoonee
Ehelkiyo bahdiisii
Olloggii ku xeernaa
Laga guray unuunkee
Cid-la' keli ku awdalan,
Jabka eleledkeediyo
Axda geedka dhacayaa
Isir nugul damqaayoo,
Boqol-eefiddaadiyo
Aabigaaga waxa lumay
Nin ‘og baa xusuustoo,
Hadba waxad abbaartaa
Barta lagugu eediyo
Godka ooda-rogankoo,
Carra Edeg haliilow!
Ayax baad ku noqotoo
ILLashada hammuuntiyo
Ardi baad ku gadatoo,
Ahminkiisa nuurka ah
Ababkiisa naarta ah
Okholaad ku shubatoo,
Arroweeladaadaa
Ku addoonsanaysoo,
Waxad tahay Af-madhan-diid
Abxaddiisa gaalka ah
Weligiis la iidoo
Dhulka arah ku joogoo
Hadba ubaxa laaciyo 
Aslantiisa diirtoo,
Urtadiisa dabadeed
Ku abqaala ciiddoo
Uskagaynta mooyee
Abdo kaama dhalatoo
Waxa eel dul-yaallaa
Waa areebadaadee,
Mar awoowihiisow
Mar ayeeyadiisow
Waa abaal-gudkaagii
Rabbi kugu aqoon jirey!

Waxad tahay Arkaa-qaad
Ibtilooyin badanoo
Marba Saar eryanayoo
Hadba aafo dhabatiyo
Ololayso kicisoo,
Mahad lagu idlaystiyo
Marba deeq af-rogayoo
Axankiisa cunayee,
Ha ku eeran bixisada
Marba lagu-ag’ dhigayee
Ajashaadu sudhan tahay.

Dadku waa ab culus yahay,
Ohli maaha weelkiyo
Lagu rido alaabtee,
Ha addoomin garashada.
Waxad tahay ugaaskii
Hanashada adduunkiyo
Ifka loogu hiishee,
Ha la biqin awoodaha
Lagu furo albaabbada
Xujadoodu adag tahay,
Axdi baa Ku-xidhayee
Magantaad ka oday tahay
Marti Adigu haw noqon.

Alkun laga war qaatiyo
Murti lagu ul goostiyo
Waa adduun sarbeebo ah
Waa abuur wacdaro badan
Waa astaanta hirashada
Waa abbaarta xilashada
Waa ilayska barashada
Waa aqoonta gudashada
Waa ammaan-ku-sugashada
Waa ILaah-ku-garashada
Nafta lagaga eed baxo.
Asli weeye raarridan
Waana amarro-weyn tahay.
Orgobaynta hororkiyo
Gudmo lagu ugaadhsado
Adyad looma soo rogin.

Idan bay ku joogtaa
Duluc iyo ujeeddiyo
Ahab bay ku tahay duni,
Eray bay ku timi qudha
Misna lama astayn karo
Erayadu ma koobaan
Alleheeda mooyee 
Af tirshaana maba jiro.
Sirta unugyadeediyo
Alifkiyo ya'deedaa
Hadba sii ekaadoo
Dadbanaa Aloolkiyo
Abjedkeeda dahan baa
Marba adag gashanayoo
Ibaheeda sudan baa
Marba aasan dhalayoo
Waxa aadmi garan karo
Ibir madhan ka dhigayoo
Indha-daalis weeyee,
Taxanaha arooriyo
Udbaheeda Saantaa
Wax aqooni hubisiyo
Waxay eegmo baratiyo
Ino way ka badan tahay.

Nin ku ayni-dhaafiyo
Qof ayaamo milicsaday
Oommanuu ka joogaa!

Orod laguma jiidhee
Axadhkay ku tahay samo.

Ifafaale mooyee
Kol haddaan oddorosyada
Berri alabbadeediyo
Runta lama-awaalka ah
Sina lagu ogaan Karin,
Wax-aqoolka taladiyo
Fulintiyo awoodaha
Ta-ahaata weligeed
Cidi oolin karin taas,
Way ka ood shishaysaa
Ardaygeeda waagiyo
Nin aroorta sugayoo
Nin aflaxay tin kama jarin,
Nin irmaanta qaadiyo
Axad jiraba waa been
Afartiisa weedhoodh.

Isa siinta taadiyo
Anigiyo Anaa huba,
Runtu kuma idlaatoo
Ikhtiyaarka gaarka ah
Cidi kuma ahaatoo
Qof iskii is-mahadshaa
Maba jiro adduunkee,
Asalkeeda garashada
Ha ka dhigin ogaalkaa!

Haddii looga Awr-dayo
Sadarrada agnaanka ah
Lama helo asaaskee
Waxa lagu ilaashaa
Isir-barashadeediyo
Wacad oofinteedaa
Aayaheeda weligaa
Hanashada ku eel-saar,
Oogsigeeda faralka ah
Xaajadeeda ugubka
Lama-aragta kowda ah
Ku arrumi xadkeedii
Marba loo akhriyi jirey.

Ma irmaana weligeed,
Igadh maaha yu’ashada
Lagu ibo-salaaxee
Marka ay asooshiyo
Markay uurka leedahay
ILma-rogashadeediyo
Ku baxnaani iimaan.

Samaheedu waa iib,
Ha amaahan teedoo
Oogadeeda waxa yaal
Ha ku urursan boobkee
Oggolaansho weyddii.
Asturkeeda mooyee
Yaan ayaanku kaa noqon
Furashada ab-guurka ah.
In ka gooso mooyee
Ha ku agagas dheeraan.
Ashkir weeye qurux badan
Inannimo carteediyo
Ugub kay ku tahay shay
Araggay ku wacan tahay
Afka laguma gaacshee
Indhahana wax kaga guro!

Wuxu waa adduunyoo
Lama sudho ‘agtaadee
Waa la-aakhireeyaa!

Way ammaano jeceshahay
Waanay eeso badan tahay
Ma illowdo godobaha,
Ashtakooyinkeedaa
Fara badan ayaantay
Ka lahayd afeeftoo
Eedeheeda lama galo
Utunteeda lama xigo
Aanadeeda kugu maqan
Nafta laguma aamino.

Abhinteeda badatiyo
Ergadeeda maragga ah
Ayo! laguma gees maro.
Denbi-oogiddeediyo
Aarsigeeda lama sugo.

Indho lagu xaqiijiyo
Runtu aragga maahee
Aaminkeeda weeyaan.

Dhulku Aayad weeyoo
Lama oga xogteediyo
Arrimaha sirteedoo,
Xarumaha Aboorkiyo
Aqallada Dhalleydee
Shimbiruhu ka oriyaan
Agaraadam maahee,
Arar luuq-ku-qarintiyo
Ma-amuumiyeyntaa
Asaraar ku geliseen?

Dhagaxiyo Aleeluhu
Dhego awdan maahee
Aammuskay ku nooshahay
Waxa dhacaya ku og tahay
Eegmaday ku tahay ruux,
Waa ummuur ku-dagasho ah
Lagu dayo qof Aadmiyah.

Isa-sudhanta kayntiyo
Aydu maaha keligaa,
Ooshu waa naf iyo reer
Ummad baad dhex joogtaa
Amarkeedu culus yahay
Agahaagu waa duul
Isha ba’an ka saahidey.
Lama uubateeyee
Yaan asluubtu kaa lumin!

Wax ka awr-ran baad tahay
Habka Eyda dheregtee
Haki ababa’daadiyo
Afar-qaadka kibirkiyo
Alalaaska nacaska ah.

Ummushooda huruddiyo
Abi-xoorta dhalatiyo
Ubadkooda kala quban
Aashaa! Ka aashaa!
Addimmada ka dhawr-dhawr.

Awrka qooqay Jinacyada
Waa Abeer ku-carashee
Al-alooska hawlaha
Ha ku ridin amaagguur!

Bullashada Amuurkiyo
Xerta alabaskeediyo
Ardaydooda shiranta ah
Nabaddooda eexee,
Cagta aayar dooh-dooh!

Mulacyada arooska ah
Colka inan-la-yaalaka ah
Ooryahooda diibka leh
Kal-amaarka Shalanqada
Nafta idibbilkeediyo
Uunsigeeda baaqa ah
Ha ku yeedhin uugaan!

Dhirta oday xidaariyo
Awliyaa ka dhalatoo
Waa akhyaar la-moog yahay.
Hal-abuurro magacliyo
Waa Abwaanno qaarkood
Laga qoro af-tahamada,
Dadka way in garataa
Qofka waw ab-tirisaa
Ka ilaali dala'siga,
Afka lagu xubeeriyo
Ixtiraamka kula hadal.
Ahlantaa xasilisee
Ha ku uur samaatee
Ehelnimo ku xadantee.
Yaanay oodda kaa rogan
Isha yaanay kugu gubin
Yey Afkeeda kugu xaman
Bahal yaanay kugu odhan
Axmaq yaanay kugu qorin
Yey asaasaq kugu tolin!

Arlo lama maleeyoo
Uumiyaa Ku-filayoo,
Isirrada dad weheshaa
Wax imbiiga maahee
Ku aqoonso qirashada
Aayadaa ku soo degey!
Edeb baa hor joogtee
Usta! yaanay kugu hodin.
Ka-ka urursanaadee
Anshaxiisa jira noqo.

Abdo kuma-shidhaystiyo
Dadna looma ooyaa
Arag lagu xasuustaa
Yaanu eersi kaa geyn
Arrimaha xuduudka leh.
Arxankaa garaabee
Doqon baa la-eedaa
Yaan asxaantu kaa madhan.
Egmashada dadnimadiyo
Ku dhex joog aloosnaan,
Amranaanta kula dhaqan.

Dadku waa addoomoo
Lama siin awoodaha
Alle lagaga maarmee
Keli lagu ahaadee
Ha illaawin baqashada.



No comments:

Post a Comment